SIDEE CALOOSHA LOO YAREEYAA?

    MURUQA CALOOSHA  

Wax qarsoodi ah maahan helitaanka sixback muuqda in ay tahay hadaf guud ay leeyihiin dad badan oo taga goobaha lagu jimicsado waxaana aad u adag helitaanka sixbacka maadama ay tahay meesha ugu dambeysa  ee qofku marka uu miisanka dhimayo dufanka jirku ku haro.

 DUFANKA CALOOSHA (BELLY FAT)

Dufanka calooshu waa dhibaato nooca baruurta ee ku ururta caloosha waxa loo yaqaan visceral waxana ay ku hareereysan tahay maqaarka hoose ee calosha waxana ay kor u qaada halista cudurada wadnaha nooca labaad ee sonkorowga.

MAXAA SABABA DUFANKA CALOOSHA?

waxyaalo tira badan ayaa jira oo sababa dufanka caloosha lakiin aan soo qadano dhowrka ugu saameynta badan ee keena dufanka caloosha.

1-stresska



stressku waxa uu sababa cayilka.Sida caadiga ah stressku waa qeyb kamid ah nolosha oo marar badan yimaada taaso ay sababi karto xaalado adag oo kusoo mara. Waxaa muhim ah in lahelo habab wax tar leh oo lagu maareeyo si aaney si xun ugu saameyn cafimadka.
 

Marka aad la kulanto stress waxa jirkaagu  sii  deyneynayaa maado la dhaho cortisol taas oo sababta dufanka jirku in uuku bato.

2- SONKORTA BADAN



Isticmaalka cunto ay ku badan tahay sonkortu sida kuwa laga helo cabitaanada macaan, nacnaca  ayaa qeyb ka qaata  korodhka miisanka iyo xaaladaha caafimaad daro ee daba dheerada sida cayilka, wadne xanuunka iyo sonkorta.

3-CUNTADA BADAN


Ma ku raaxeysataa cunista? yaanan sameyn sax, waa wax aan sameyno maalintii dhowr jeer si joogta ah waxaan u sameynaa si aan u noolaano ama aan ku badbaadno ,lakiin marwalboo cuntadeenu badato waa marwalboo sahlanaaneyso in aan cayilno.

SIDEEN CALOOSHA KU YAREYN KARNAA?

Mar hadii aan ogaaney asbaabaha dufanka caloosha ama guud ahaan miisan kordhka sababa  waa ay fududahay in xal loo helo taas oo aynu ku yareyn karno dufanka jirkeena ama waxa loo yaqaan cayilka waxana aan kasoo qaadan saddexda ugu muhiimsan yareynta miisanka.

1- cuntada ood iska yareysid 

Cunatada Waxa loo Bahanyahy in ay xad la haato ayna noqoto cunto nadiif ah oo ka maran dufan badan waxaadna u baahantahy in aad noqotid qof xisbaabiya inta clories ee jirkaga galay.     

2- JIMICSI INAAD AAD SAMEYSO 



Muhiim ma ahan in aad gym aado ama goobaha lagu jimicsado waxaa  jira jimcsi gurigaga ad ku sameyn karto hadi aadan awoodin aadida goobaha jimicsiga muhiimadu waa in aad gubtaa cunnada aad cunto maalinkii si qeybta dufan ahaanta loo keydiyo aad u yareysid.

Gunaanad:
Waxa ugu badan oo jirkeenu dufan badan ku yeelan karo waa cunista sonkor badan waxaana ognahay in sonkorta badani cafimaadka khatar gelin karto xitaa haddi aadan iska deyn kareyn isku dey in aad yareyso.

   




Comments

Popular posts from this blog

3DDEX CUNTO OO JIRKAGU KU KORI KARO